1098 Views

Guddoomiye Mahad Cawad Oo Lagu Soo Dhaweeyay Magaalada Muqdisho

Guddoomiye Mahad Cawad Oo Lagu Soo Dhaweeyay Magaalada Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Juun 22, 2019 –Magaalada Muqdisho ayaa waxaa Maanta dib ugu soo laabtay Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya oo safar ugu maqnaa dalka dibadiisa.

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa markii uu soo gaaray Mahad Cabdalla Cawad waxaa kusoo dhaweeyay Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka iyo xubno kale oo ka tirsan dowladda.

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad ayaa waxaa maalmihii la soo dhaafay safar ugu maqnaa dalka Turkiga,isagoo halkaas kula soo kulmay Madax ka tirsan dalkaas,isla markaana ka wada hadlay arrimo kala duwan.

Sidoo kale Mahad Cabdalla Cawad ayaa waxaa uu u mahadceliyay Wasiirada iyo Xildhibaanada Maanta kusoo dhaweeyay gudaha Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment