1284 Views

Isku Dhacyo Dagaal oo Ka Dhacay Xadka Ciraaq iyo Syria

Isku Dhacyo Dagaal oo Ka Dhacay Xadka Ciraaq iyo Syria
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 14da Maarso, 2021–Sida la soo sheegay, isku dhacyada ayaa ka dhacay Degmadda Sinjar ee Gobolka Nineveh waqooyi-galbeed Ciraaq Maanta, iyada ooo Isku dhacyadu socdeen muddo saacado ah.

Sida oo kale lama soo sheegin wax qasaara ah oo soo kala gaaray labada dhinac, waxaana Ciidamada Ciraaq ay u reexeen dhanka Dalka Syria kooxdii weerarka soo qaaday oo lagu tuhmayo in ay gacan saar la leeyihiin ISIS.

koox ISIL ayaa dib u bilaabay howlahoodii, ka dib markii dowladda Biden ay la wareegtay xafiiska. Hawlahan waxaa inta badan laga sameeyaa gobollada waqooyiga ee Ciraaq.

Xogaha qaar iyo xitaa saraakiisha ku sugan gudaha Ciraaq ayaa sheegaya in dowladda Mareykanku aysan lahayn doonis dhab ah oo lagu cirib tirikaro ISIL, taasi ayaana ah in ay u adeegsato sidii  aalad ahaan markii loo baahdo.

Sida laga soo xigtay khubaro ku xeel dheer arrimaha gobolka, dowladda Mareykanka waxay taageertaa oo amar ku siisaa  in ay abaabulaan weerarro ka dhaca Ciraaq iyo Suuriya.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post