321 Views

Soomaaliya oo codkeeda ka dhiibatay qaraar ku aaddan in Ruushka uu ka baxo Ukraine

Soomaaliya oo codkeeda ka dhiibatay qaraar ku aaddan in Ruushka uu ka baxo Ukraine
____________________________________________________________________________

Soomaaliya ayaa codkeeda ka dhiibatay afti laga qaaday dalalka xubnaha ka ah Golaha Qaramada Midoobay oo u codeynayay in Ruushka uu ciidamadiisa kala baxo Ukraine iyo in kale.

Si loo ansixiyo qaraarkan waxay dalalku ku kala codeynayeen “Haa” iyo “Maya” halka kuwo kalena ay ka aamuseen.

Soomaaliya ayaa ku biirtay 30 dal oo ka tirsan Afrika oo qaraarka Qaramada Midoobay ugu codeeyay “Haa”, taasoo ka dhigan in ay taageertay qorshaha ku aaddan in Ruushka uu ka baxo Ukraine.

Hase yeeshee Afrika ayaa u muuqata in ay weli ku kala qeybsan tahay mowqifka ku aaddan dagaalka Ruushka iyo Ukraine oo maanta ay u buuxsantay muddo hal sano ah.

Eritrea iyo Mali oo keliya ayaa si toos ah uga soo horjeestay qaraarka oo ku saleysan in Ruushka lagu khasbo ka bixitaanka Ukraine, waxa ayna ku codeeyeen “Maya”.

Ilaa 15 waddan oo Arfica ka tirsan ayaa ka aamusay codeynta.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post