381 Views

Maamulka magaalada Haarlem ee dalka Netherlands oo qarka u saaran iney mamnuucaan xayeeysiinta hilibka

Maamulka magaalada Haarlem ee dalka Netherlands oo  qarka u saaran iney mamnuucaan xayeeysiinta hilibka
____________________________________________________________________________

Khamiis: SEPTEMBER 8, 2022

Maamulka magaalada Haarlem ee dalka Netherlands, ayaa qarka u saaran iney mamnuucaan xayeeysiinta hilibka, sababo la xiriira saameynta uu hilibka ku leeyahay isbeddelada cimilada.

Tallaabadan oo loo maleynayo inay tahay tii ugu horreysay oo ay magaalo qaado, ayaa waxay dhaqan gelin doontaa laga bilaabo sanadka 2024-ka.

Mooshiin uu garwadeen ka ahaa xisbi siyaasadeedka GroenLinks, ayaa waxaa kasoo horjeestay waaxda hilibka ee dalkaas. Dadka qaar waxay arrintan ku tilmaameen cabburin ka dhan ah xoriyadda hadalka.

Qaramada Midoobay, ayaa waxay sheegtay in xooluhu ay soo saaraan in ka badan boqolkiiba 14%, dhammaan qaaca hawada sida Methane.

“Hilibka aad buu waxyeello ugu geystaa deegaanka, dadka uma sheegi karno inay jiraan dhibatooyinka ka dhasha Isbeddellada Cimilada, isla markaana ay iibsadaan badeecad qeyb ka ah dhibaatadaas” ayay tiri Ziggy Klazes.

Xildhibaan ayaa ka tirsan xisbiga GroenLinks, iyadoo mid aheyd dadkii gudbiyay mooshinka magaalada loogga mamnuucayo xayeysiinta hilibka, xilli ay la hadleysay wargeyska The Trouw.

Maamulka magaaladan ay ku nool yihiin 160,000 qof weli ma aysan soo saarin go’aan ku aadan in la mamnuuci doono xayeysiinta wax soo saarka hilibka u wanaagsan deegaanka.

Waxaa hinddisahan taageeray xildhibaanno ka tirsan xisbiga Christian Democratic Challenge party.Waxaa hinddisahan si weyn u dhaleeceeyay shirkadaha soo saara hilibka.

“Maamulka dadka uma aysan sheegin in sababta ay u sameynayaan tallaabadan ay tahay mid u wanaagsan bulshada guud” ayuu yiri afhayeen u hadlay ururka warshadaha soo saara hilibka.

Xisbiga garabka midig ee BVNL ayaa ku tilmaamay tallaabadani “xadgudub aan la aqbali karin oo ka dhan ah xorriyadda ka ganacsiga hilibka”.

Waxay intaa ku dareen shirkadaha in tallaabada ay tahay mid ‘burburin doonta beeraleyda xanaaneysa Doofaarka’

“Mamnuucidda xayeysiinta hilibka ee la siyaasadeeyay waa tallaabo u eg kali gii talisnimo” ayuu yiri xildhibaan Rademaker, oo ka tirsan maamulka dowladda hoose ee magaalada Haarlem.

Herman Bröring, oo ah bare sare oo dhanka sharciga ah, kana tirsan jaamacadda Groningen, ayaa sheegay in mamnuuciddaasi ay xad gudub ku noqon karto xoriyadda ganacsiga, ayna horseedi karto inay ka dacwoodaan ganacsatada hilibka.

Ku dhawaad boqolkiiba 95% dadka Netherlands, ayaa waxay cunaan hilibka, laakiin in ka badan kala bar ma cunaan hilibka maalin kasta, sida laga soo xigtay tirakoob ay sameysay dowladda Netherlands.

Maamulada magaalooyinka Amsterdam iyo The Hague, ayaa horey u mamnuucay xayeeysiinta ku saabsan duulimaadyada iyo warshadaha hawada ku sii daaya qiiqa.

Hilibka Lo’da, ayaa soo saara qaaca hawada saameeya, oo uu kamid yahay gaaska Methane, halka hilibka Idaha uu raad ku reebo deegaanka

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post