588 Views

Howlwadeenadii Cisbitaalka magaalada Qardho oo Shaqa Joojin sameeyey

Howlwadeenadii Cisbitaalka magaalada Qardho oo Shaqa Joojin sameeyey
____________________________________________________________________________

Axad: SEPTEMBER 4, 2022

Waxaa saaka shaqo joojin sameeyey howlwadeenadii Cisbitaalka magaalada Qardho oo ka cabanaya sida aysan raali uga aheyn in dib shaqada loogu soo celiyo Agaasimihii Cisbitaalka Jaamac Ildab.

Kaas oo Wasaaradda Caafimaadku shaqada uga joojisay eedo musuq iyo wada shaqayn la’aan shaqaalaha ah , balse waxaa shalay dib shaqada loogu celiyey amar Madaxweyne sidaan xogta ku heyno .

Shaqaalaha ayaa banaanka cisbitaalka ku sameeyey banaan bax iyagoona shaqada joojiyey waxaana ay soo qaateen boorar lagu xardhay (Madaxweyne Cisbitaalka Qardho iyo Qalabkiisuba badbaaday kaa rabaan )

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post