819 Views

Musharax Biden oo ku horreeya Georgia, wax ka ogow Gobolkaas waxa uu muhiimka u yahay

Musharax Biden oo ku horreeya Georgia, wax ka ogow Gobolkaas waxa uu muhiimka u yahay
____________________________________________________________________________

Joe Biden ayaa qarka u saaran in gobolka Georgia uu kaga guuleysto Donald Trump, iyadoo ay keliya harsan yihiin tirinta kumannaan codad ah.

Haddii uu Biden gobolkaas ku guuleysto, waxay taasi u dhoweyneysaa codadka 270-ka ah ee laga doonayo si uu ugu guuleysto madaxtinnimada.

Waxay sidoo kale taasi ka hor istaagi doontaa Donald Trump inuu guuleysto. Xitaa haddii uu ku guuleysto dhammaan gobollada harsan – taas oo aan muuqan inay dhacayso.

In Biden uu ku guuleysto Georgia waa isbeddel weyn. Tan iyo sanadkii 1964 gobolkan quruxda badan keliya afar jeer ayuu u codeeyay musharrax Dimuqraaddiga ka tirsan, markii ugu dambeysay wuxuu u codeeyay Bill Clinton sanadkii 1992. Haddii sanadkan uu gobolkaas u codeeyo Biden, Georgia waxay noqon doontaa jasiirad buluug ah oo bad guduud ah uga taalla khariiradda doorashada, oo ay ku hareereysan yihiin gobollada Jamhuuriga.

Dad badan oo baraha bulshada isticmaala ayaa isbeddelkan weyn u aaneynaya Stacey Abrams oo ka tirsan Dimuqraaddiiga, taas oo barasaabka gobolka u tartantay sanadkii 2018, markii ay weysayna, waxay labo sano u ololeyneysay xisbigeeda.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post