1296 Views

Qatar iyo Kenya oo heshiis gaaray

Qatar iyo Kenya oo heshiis gaaray
____________________________________________________________________________


Muqdisho, 17da Maarso, 2021
Amir HH Sheikh Tamim bin Hamad Al-Thani ayaa dhambaal qoraal ah ka helay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Kenya Mudane Uhuru Kenyatta, taas oo ku saabsan xiriirka labada dal iyo qaabkii lagu kobcin lahaa.

Wakiilka gaarka ah ee madaxweynaha Kenya ahna Wasiirka arimaha gudaha Dr. Fred Matiang’i ayaa gudbiyay dhambaalka markii uu Amiirka la kulmay isaga iyo wafdiga la socday ee ku sugnaa xarunta golaha Sheikh Abdullah Bin Jassim Saaka.

Shirka waxaa goobjoog ka ahaa raiisul wasaaraha ahna wasiirka arrimaha gudaha Mudane Sheikh Khalid bin Khalifa bin Abdulaziz al-Thani.

Intaas ka dib labada dhinac ayaa gaaray heshiis ku saabsan amniga, iskaashiga, fududeynta visaha dal ku galka ee muwaadiniinta Kenya iyo arrimo kale oo quseeya danaha labada dal.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post