1398 Views

Golaha Wasiirrada Oo Meel Mariyay Sharciga Taya-Dhawrka Iyo Hannaanka Caddaaladda Iyo Asluubta

Golaha Wasiirrada Oo Meel Mariyay Sharciga Taya-Dhawrka Iyo Hannaanka Caddaaladda Iyo Asluubta
____________________________________________________________________________

Muqdisho, September 02, 2018 –Golaha wasiirrada xukuummadda federaalka Soomaaliya (XFS) ayaa shir ay ku yeesheen Muqdisho waxa ay ku meel mariyeen sharciga taya-dhawrka iyo hannaanka caddaallada iyo asluubta oo ay soo gudbiyeen wasaaradaha ganacsiga iyo caddaaladda.

Ugu horrayn, kulanka maanta oo uu guddoominayay ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa lagu meel mariyay sharciga taya-dhawrka oo lagu hubinayo badeecadaha dalka loo soo dhoofinayo, laguna tayaynayo badeecadaha dibadda loo iib-geynayo si loo dhawro xeerka tayada badeecadaha caalamiga ah ee adduunku wada aqoonsanyahay.

Wasiiru dawlaha xafiiska ra’iisul rasaaraha Cabdullaahi Xaamud Maxamed ayaa sheegay in kulankii maanta ay yeesheen golaha wasiirrada XFS lagu meel mariyay hannaanka caddaaladda iyo asluubta kaas oo caddaynaya nuuca caddaaladda Soomaaliya ay yeelanayso si loo hagaajiyo hannaanka caddaaladda dalka.

Sharciga taya-dhawrka ayaa loo gudbinayaa baarlamaanka federaalka Soomaaliya si ay u meel mariyaan iyada oo hannaanka caddaaladda iyo asluubta la hor gaynayo golaha amniga qaranka si ay uga doodaan kadibna u saxiixaan si mawaadin kasta oo Soomaaliyeed uu u helo hannaan caddaaladeed loo simanyahay.

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment