891 Views

Maxay ka wada hadleen Agaasime Koofi & Madaxweyne Deni?

Maxay ka wada hadleen Agaasime Koofi & Madaxweyne Deni?
____________________________________________________________________________


Mogadisho | QOL |  September 20 2020
—Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hoyga uu Muqdisho ka degan yahay maanta ku qaabilay Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyaddaha ee DFS Maxamed Aadam Koofi.

Labada mas’uul ayaa waxaa ay ka wada hadleen xaalada dalka iyo sidii ay u wada Shaqeyn lahaayeen Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha iyo Maamulka Puntland gaar ahaan dardar gelinta howlaha Hay’adda ee Xafiiska Magaalada Garoowe.

Kulanka waxaa ka qeybgalay AgaasimahaHay’adda Socdaalka iyo Jinsiyaddaha DFS ee Puntland Cabdullaahi Cismaan Ismaaciil (Fu’aad).

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa tan iyo markii uu yimid Magaalada Muqdisho waxaa uu kulamo kala duwan la qaatay siyaasiyiin saameyn ballaaran ku leh dalka.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  ______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post