858 Views

War deg deg ah: Ciidamada kofiyo Gaduud oo xiray Hotel SYL oo ay dagi lahaayeen kheyre, Guuleed, Geele. Iyo C/raxman C.shakuur..

War deg deg ah: Ciidamada kofiyo Gaduud oo xiray Hotel SYL oo ay dagi lahaayeen kheyre, Guuleed, Geele. Iyo C/raxman C.shakuur..
____________________________________________________________________________

Feb: 18/2/2021

Ciidamada amaanka gaar ahaan ilaalada Madaxtooyada ee Koofiyo Casta  ayaa  Xiray Wadooyinka soo gala Madaxtooyada gaar ahaan afaafka hore ee Hotel SYL ilaa dhabarka Danbe ee Ceelgaabta.

Ciidamadan oo ku Hubeysan Gaadiidka Dagaalka ayaa hor dhooban Hotelkaas, kadib markii ay ka war heleen in qaar ka mid ah Musharixiinta ay rabaan in ay dagaan halkaas, si ay bari uga Qeyb qaataan Banaanbaxa Bari lagu wado in uu ka dhaco Muqdisho.

Musharixiinta Xasan Cali Kheyre, C/raxman C/shakuur, Daahir Maxamuud Geele iyo C/kariin Xuseen guuleed ayaa lagu waday in ay dagaan Hotelkaas saakay  si ay bari u gaaraan Taalada Daljirka Dahsoon oo uu ka dhacayo banaanbax Wayn.

Ciidamadaan koofiyo Gaaduudka ayaa baaraya gaadiidka ka soo galaya Wadooyinka Xamarjajab Isgoyska Dabka ilaa Sayidka.

Kala soco Bogan Wixii ku soo kordha arintaas

Office Nairobi

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post