3300 Views

Dowladda Soomaaliya oo Hub u dirtay Puntland

Dowladda Soomaaliya oo Hub u dirtay Puntland
____________________________________________________________________________

Muqdisho,18 March 2016: Dowladda Soomaaliya ayaa maanta diyaarado sida saanad milateri u dirtay Puntland, si ay ugula dagaalanto Al-Shabaab oo maalmihii u dambeeyay galay deegaano ka tirsan Puntland.

Waxaa la sheegaya in labo diyaaradood oo sida saanad ciidan oo isugu jira, hub, rasaas iyo sahayda ay u baahan yihiin Ciidamada ay maanta ka dhooftay garoonka diyaaradaha Adan Cadde

Wasiirka Warfaafinta, Abaanduulaha Ciidamada Xoogga dalka iyo saraakiil ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa ku sugnaa garoonka diyaaradaha Muqdisho, xilliga diyaaradahan ka dhoofayeen.

Puntland ayaa ka dalbatay dowladda Federaalka saanad ciidan, sida uu xaqiijiyay Madaxweyne kuxigeenka Puntland C/xakiin C/llaahi Camey oo wareysi siiyay Idaacada BBC-da

Madaxweyne kuxigeenka Puntland ayaa sheegay in xilligan Puntland u baahneyn ciidan loo soo diro, balse dowladda Federaalka ay ka dalbatay saanad ciidan.

Warar ayaa sheegaya in saanadan hubka ah ay ka timid Imaaraadka Carabta, isla markaana dowladda Federaalka loo soo marsiiyay Puntland, si ay ciidamada Puntland kula dagaalamaan Al-Shabaab.

Mas’uuliyiinta Puntland ayaa qiray in dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaabka galay Togga Suuj uu sii adkaanayo, isla markaana loo baahan yahay kaalmo milateri.

Ciidamada Puntland ayaa wali u suura geli la’ inay galaan Togga Suuj oo ah goob istiraatiiji ah oo uu maro biyo, isla markaana godad waa weyn ku yaalaan.

Dagaalka u dhaxeeyay labada dhinac ayaa ahaa kuwo madaafiic la isku weydaarsanayay, waxaana ciidanka Puntland ay madaafiic la dhacayeen togga Suuj, si ay Al-Shabaab uga saaraan.

Weli lama oga illaa iyo hada khasaaraha rasmiga ah ee labada dhinac kala gaaray, maadaama halka lagu dagaalamayo aanan laga heli karin warar madax banaan, inkastoo Puntland ay sheegatay in dagaaladii u dambeeyay ay ku dileen 20-dagaalyahano ka tirsan Shabaab.

—————————————–

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment