1524 Views

Howlgal ka dhan ah Dadka Ka ganacsado dhuxusha oo bilowday Deegaanada Galmudug

Howlgal ka dhan ah Dadka Ka ganacsado dhuxusha oo bilowday Deegaanada Galmudug
____________________________________________________________________________


Sabti: December 4, 2021

Maamulka Galmudug ayaa bilaabay howlgal ballaaran oo lagula dagaallamaayo kooxaha ka ganacsadada dhuxusha ee jara dhirta ku taalla deegaano ka mid ah gobolka Mudug xilli horay maamulka Galmudug ay u mamnuuceen ka ganacsiga dhuxusha iyo jarida dhulka.

Taliyaha qeybta booliska gobolka Mudug ee maamulka Galmudug Qaasim Qaxooti ayaa sheegay in ciidanka booliska ay ka bilaabeen howlgal deegaano hoos yimaada Magaalada Hobyo halkaasi oo ay ku sugan yihiin kooxo si xooggan uga shaqeysta dhuxusha.

aliyaha ayaa xusay in howlgalkaan uu socon doono ilaa inta guud ahaan gobolka Mudug laga ciribtiraayo kooxaha dhuxusha shida oo uu sheegay in ay halis ku yihiin jiritaanka maamulka Galmudug.

Waxaa uu shalay gaaray taliyaha deegaanka Dhanbeyl oo ka mid ah meelaha sida xooggan dhuxusha looga shido.

Wasaaradda degaanka iyo isbedelka Cimilada ee Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa horay u soo saartay bishii October amar lagu joojinayo Jarista, gubista, ka ganacsiga dhuxusha iyo ugaarsiga duur-joogta.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Wasiirka Wasaaradda degaanka iyo isbedelka Cimilada Galmudug Sanoter Siciid Siyaad Shirwac ayaa waxaa lagu amray hay’adaha kala duwan ee Galmudug inay ka gutaan amarkaan waajibkooda kaga aadan, isla markaana ay qabtaan sharcigana horgeeyaan dadka aan u hoggaansamin amarkaan.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post