1005 Views

Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo dib ugu soo laabtay Muqdisho

Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo dib ugu soo laabtay Muqdisho
____________________________________________________________________________

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo safar ugu maqnaa maalmihii la soo dhaafay dalka Turkiga ayaa Maanta dib ugu soo labtay magaalada Muqdisho.
Madaxweynaya ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay Xubno ka tirsan labada Gole ee dowladda Federaalka, Maamulka Jubbaland iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweynaha Hir-Shabeelle ayaa isaga oo ku maqan dalka Turkiga waxa uu Aalada (ZOOMKA) uu uga qeyb galay shirka Golaha wadatashiga Qaran ee ka qabsoomay magaalada muqdisho, kaas oo laga soo saaray jadwalka dorashada.
Wararka la helayo ayaa sheegaya in madaxweynaha Hir-Shabeelle uu dhawaan tegi dono magaalooyinkaJowhar & Beledwyene si uu u kormeero goobaha loo asteeyay inay ka dhacaan doorashooyinka.
Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa tn iyo doorashadiisii tegin Magaalada Beledwyene, iyada oo dhwor jeer uu uga baaqday sababo la xiriira diidmada maleeshiyad uu hoggaaminayo Janeraal Xuud oo kasoo horjeeda dorashadii ka dhacday Magaalada Jowhar.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post