816 Views

Kal-fadhiga 48aad ee Golaha Wakiilada Puntland oo goordhow furmay

Kal-fadhiga 48aad ee Golaha Wakiilada Puntland oo goordhow furmay
____________________________________________________________________________

Waxaa Goordhow Xarunta Baarlamaanka Puntland ee Magaalada Garoowe ka bilaawday munaasabadda furitaanka Kal-fadhiga 48-aad ee Golaha Wakiilada Maamulka Puntland.
Kulanka waxaa xaadiray 56 mudane oo ka tirsan Golaha wakiilada Puntland, waxaa sidoo kale goobjoog ka ah Madaweynaha Puntland Sacdiid Cabdullaahi Deni & kuxigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan Karaash.
Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jabriil ayaa uga mahad celiyay xildhibaannada sida ay kulanka uga wada soo qeyb galeen, waxaana uu ka sheekeeyay waxyaabihii u qabsoomay & in Golaha wakiilada ay horyaallan Ajandayaal dhowr ah.
Madaweynaha Puntland Sacdiid Cabdullaahi Den ayaa waxaa la filayaa in uu goordhow khudbad ka jeediyo Kulanka, isaga oo ka hadli doono waxyaabihii u qabsoomay iyo Arrimaha siyaasadda dalka Soomaaliya.
Ammaanka guud ee magaalada garoowe ayaa aad loo adkeeyay, waxana wadooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa Xarunta Baarlamaanka Puntland lagu arkayaa Ciidamo sugaya Ammaanka.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post