618 Views

Xildhibaano si dirqi ah kaga soo baxsaday magaalada B/weyne oo soo gaaray Garoonka Muqdisho

Xildhibaano si dirqi ah kaga soo baxsaday magaalada B/weyne oo soo  gaaray Garoonka  Muqdisho
____________________________________________________________________________

Arbaco: August 25, 202

 Waxaa magaalada Muqdisho soo gaaray  Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed iyo Xildhibaan Cabdirisaaq Axmed Maxamed “Jindi” kuwaas oo ka yimid  magaalada Beladweyne oo gashay xaalad kacdoon ah. 

Xildhibaanadan kusoo laabtay Muqdisho ayaa qeyb ka ahaa siyaasiyiin reer Hiiraan ah oo Beladweyne u tagay in ay halkaas geeyaan Madaxweynaha HirShabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe, balse magaalada ay gashay xaalad cakiran.

Wararka ayaa sheegaya in magaalada B/weyne uu ku godoonsan yahay Wali Taliyihii hore ee NISA Sanbaloolshe oo sida wararku sheegayaan taageero u haya Madaxweyne Guudlaawe oo ka Balan qaaday Aqalka sare in uu siinayo.

Sidoo kale Xaaladda Beladweyne ayaa hadda dagan kadib fowdadii habeenkii Axadda ka dhacay xarumaha ugu muhiimsan ee maamulka, kuwaas oo ay qabsadeen ciidamada ka gadoodsan tagista Cali Guudlaawe ee Beladweyne. 

Beesha Xawaadle  ayaa ka soo hor jeeda Madaxweyne Cali Guudlaawe waxaana bilooyinkii la soo dhaafay ay ahayd Caqabad ku hor gudban Hirshabelle.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post