1149 Views

UK oo Faransiiska ugu hanjabtay inay dib ugu celin doonto muhaajiriinta

UK oo Faransiiska ugu hanjabtay inay dib ugu celin doonto muhaajiriinta
____________________________________________________________________________

Jimco: September 10, 2021

Britain ayaa oggolaatay qorshayaal dib loogu celinayo doomaha sida muhaajiriinta ee sida sharci-darrada ah ku soo gala xeebaheeda, taas oo sii xoojinaysa khilaafka kala dhexeeya Faransiiska ee ku aaddan sida loola tacaali karo dad faraha badan ee naftooda biimeynaya.

Tahriibeyaashan ayaa isku dayaya inay ka gudbaan Kanaalka u dhexeeya labada dal iyagoo wata doomaha yaryar.


Boqolaal doomood oo nooca yaryar ayaa safar uga yimid dhinaca Faransiiska sanadkan, iyagoo ka gudbay mid ka mid ah marinnada ugu mashquulka badan adduunka.

Muhaajiriinta ka imaanaya dhinaca Faransiiska ayaa intii hore ka badan xilliga xagaaga, waxaana iyadoo la xiray marinno dhowr ah hadda ay doonayaan inay soo galaan UK.

Xoghayaha Arrimaha Gudaha Britan Priti Patel ayaa u sheegtay Wasiirka Arrimaha Gudaha Faransiiska Gerald Darmanin in joojinta dadka ka soo socdaala Faransiiska ee la socda doonyaha yar yar ay tahay “ahmiyaddeeda koowaad”.

Saraakiisha xadka ayaa loo tababari doonaa inay doomahan ku qasbaan inay ka fogaadaan biyaha Ingiriiska, iyagoo adeegsan doonaan xeeladda cusub ee dib u celinta marka ay u arkaan inay ammaan tahay. Sarkaal ka tirsan dowladda Ingiriiska oo codsaday inaan la magacaabin ayaa sheegay Khamiistii.

Michael Ellis, oo ah sii-hayaha xeer-ilaaliyaha guud ee Britain, ayaa u dejin doona saldhig sharci ah saraakiisha xadka, si ay u helaan istiraatiijiyadda cusub, ayuu yiri sarkaalku.

Patel ayaa careysiisay dawladda Faransiiska horraantii toddobaadkan markii ay tilmaamtay in Britain aysan fasixi doonini ilaa 75 milyan oo doolar oo ahaa ballan qaad la xiriiray in Ingiriisku uga qeybqaadan doono joojinta qulqulka muhaajiriinta.

Warqad sir ah oo heshay warbaahinta Ingiriiska, ayaa wasiirka arrimaha gudaha Faransiika, Darmanin, wuxuu ku sheegay in haddii doomaha si qasab ah dib loogu celiyo xeebta Faransiiska ay noqon doonto mid khatar ah.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post