1140 Views

Xaalada xaafada islii magaalada Nairobi oo dagan Caawa saacado kadib iyo Ciidamo lagu arkayo wadooyinka.

Xaalada xaafada islii magaalada Nairobi  oo dagan Caawa  saacado kadib iyo Ciidamo lagu arkayo wadooyinka.
____________________________________________________________________________

Talaado: October 12, 2021

waxaa dagan caawa xaalada magaalada Nairobi gaar ahaan xaafada islii oo saacadihii la soo dhaafay ka jirtay xaalad kacsanaan ah.

Wararka ka imaanaya caawa xaafada islii ayaa sheegaya in dadka dagan halkaas ay magaalada ka xaroodeen caawa Fiidkii kadib markii cabsi soo wajahday sida ay shegayaan wararka Saacadihii la soo dhaafay ka imaanayay xaafada islii.

Sidoo kale galabta gabaldhicii ayaa lagu arkayay xaafada islii Ciidamo ka tiran Kenya oo gaaf wareegaya Suuqyada, taasi oo sababtay cabsi ka imaan karto Go’aanka Maxkamada ICJ ay ku dhawaaqday caawa Fiidkii oo ku aadan lahaansha bada Soomaaliya iyo Kenya.

Ciidamada Kenya oo Wata gaadiidka Cabdibilaha ah ayaa lagu arkayaa ayaga oo gaaf wareegaya Wadooyinka soo gala islii ka bilaaw 12-ka ilaa sex-1 oo ah goob ay dagan yihiin dadka Kenyanka ah gaar ahaan xaafada Madaari oo ah goob tuugo badan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post