1506 Views

Soomaalida Itoobiya oo Cabasho ka ah Dacwadda loo heysto Cabdi Maxamuud Cumar

Soomaalida Itoobiya oo Cabasho ka ah Dacwadda loo heysto Cabdi Maxamuud Cumar
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October 21, 2018 —Madaxweynihii hore ee dowlad degaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya oo maalmihii lasoo dhaafay kasoo hor muuqday dhowr jeer Maxkamad ku taalla Magaalada Addis Ababa ayaa dadka qaarkood siyaabo kala duwan uga hadleen dacwadda loo heysto.

Xeerilaalinta Federaalka Itoobiya ayaa sheegay in Cabdi Maxamuud Cumar loo heysto markii Ciidanka Itoobiya ay soo galeen Magaalada Jigjiga, dadkii ku dhintay Khalalaasihii ay sameeyeen Ciidanka Liyuu Boolis iyo dadkii taageersanaa Cabdi Maxamuud Cumar,kuwaasoo kasoo horjeeday in xilka xoog looga tuuro.
Qalalaasahaasi, waxaa ku dhintay dad u badan Oromo, waxaana sidoo kale ku burburay Hanti badan oo ay lahaayeen dadka aan Soomaalida aheyn ee kunoolaa Magaalada Jigjiga.

Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida dalka Itoobiya Mustafe Cagjar ayaa warbaahinta u sheegay in  dowladda Federaalka Dacwadda ay u heysato Cabdi Maxamuud Cumar aysan ku jirin dad ku dhow 10 kun oo ruux oo uu ku dilay dowlad degaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya intii xilka haayay.

Waxaa uu sheegay in ay diyaariyaan dacwad ku aadan dadkaasi, Cidii dishay in Sharciga la waafajiyo,islamarkaana dacwad kale ay ku furi doonaan Cabdi Maxamuud Cumar oo Muddo ahaa Madaxweynaha degaanka Soomaalida Itoobiya.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in ehelka dadkii uu laayay Cabdi Maxamuud Cumar ay dowladda Federaalka Itoobiya ay ka dalbanayaan in ay helaan Caddaalad.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment