741 Views

Midowga Yurub iyo Maraykanka oo Taalibaan ku bilaabay cadaadis dhinaca dhaqaalaha ah

Midowga Yurub iyo Maraykanka oo Taalibaan ku bilaabay cadaadis dhinaca dhaqaalaha ah
____________________________________________________________________________


khamiis: August 19, 2021

Iyadoo Taalibaan ay isku deyeyso in ay qaab-maamulkeeda caddeyso, haddana hay’adaha lacagta ee Mareykanka iyo dalalka Reer Galbeedka, waxay si degdeg ah u qaadeen tallaabooyiin ay ku xannibaayaan in ururka uu helo dhaqaalaha dalka.

Afghanistan wuxuu ka mid yahay dalalka ugu saboolsan caalamka – waana waddan si wayn ugu tiirsan kaalmada caalamiga ah, taas oo dakhliga dalka ka ah 43 boqolkiiba.

“Afghanistan si wayn ayey ugu tiirsan tahay deeqda caalamka. Kaalmada caalamka waxay toban jibbaar iyo ka badan tahay dhaqaalaha ay taalibaan iskood u helaan,” ayey tiri Vanda Felbab-Brown, oo ah qof ku taqasustay dhaqaalaha Afghanistan oo ka tirsan machadka Brookings Institution.

Dowladda Mareykanka ayaa sidoo kale xannibtay in Taliban ay helaan dhaqaalaha Afghanistan ee daafaha caalamka kale yaalla iyo lacagta keydka dalkaas – oo inteeda badan taallo bangiyada Mareykanka ama Yurub.

Arbacadii, Hay’adda Lacagta Adduunka, IMF, waxay hakisay lacagtii deeqda ahayd ee Afghanistan – taas oo sabab ay uga dhigtay in Caalamka uusan aqoonsanayn Taaliban.

Deeq-bixiyeyaal kale ayaa dhankooda sheegay in ay joojiyeen lacagtii ay siin jireen Afghanistan.

Dadka arrimahan ka faallooda waxay sheegayaan in tuujinta dhaqaale ay tahay awoodda ay Reer Galbeedka horey ugu sii socon karaan

BBC

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post