618 Views

Hamid Karzai “ Taliban xoog kuma qabsanin Kabul, anigaa u yeeray’

Hamid Karzai “ Taliban xoog kuma qabsanin Kabul, anigaa u yeeray’
____________________________________________________________________________


khamiis: December 16, 2021

Madaxweynihii hore ee Afghanistan, Hamid Karzai, ayaa sheegay inuu kooxda Taliban ka codsaday inay gudaha u galaan magaalada caasimadda ah ee Kabul si ay uga hor tagaan inay dhacaan qalalaase iyo boob.

“Mas’uuliyiinta Taliban waxay noo xaqiijiyeen in ciidankooda hubeysan aysan soo gali doonin magaalo madaxda Afghanistan,” ayuu yiri Hamid Karzai oo wareysi siiyay Wakaaladda Wararka ee AP.

“Balse madaxweynihii hore ee Afghanistan, Ashraf Ghani, ayaa si aan habbooneyn uga baxay Kabul isagoo sii kaxeystay saraakiishii sar sare, Taliban-nna kuma sugneyd magaalada.”

Bishii August ee sanadkan, kaddib markii ay ciidamada Mareykanka ka baxeen Afghanistan ayay xoogagga Taliban la wareegeen gacan ku heynta dalkaas iyagoo afgambiyay dowladdii ka jirtay halkaas.

Mintidiinta ayaa mid mid usoo qabsanayay magaalooyinka, ilaa ay ugu dmabeyntii kasoo gaaraan caasimadda Kabul oo ay la wareegeen.

Xilligaas, xoogagga Taliban waxay qarka u saarnaayeen Kabul, waxaana laga baqayay inay xilli kasta xoog ku gali karaan.

Ashraf Ghani ayaa markii dambe ka baxsaday Afghanistan, kooxda Taliban ayaana Kabul gacanta ku dhigtay 15-kii bishii August, 2021.

Madaxda Taliban ayaa sheegay in xilligaas aysan ujeeddadoodu ahayn inay qabsadaan Kabul, balse sababta ay u galeen ay ahayd oo kaliya inay ka hor tagaan rabshado iyo bililiqo ka dhacda magaalada.

Hamid Karzai ayaa yiri: “Waxaa istaagay hannaankii dowladda iyo ciidamada amniga ee Afghanistan. Aniga lafteyda ayaa ka codsaday Taliban inay soo galaan Kabul.”

Muxuu ahaa qorshihii hore?

Hamid Karzai ayaa wareysiga uu bixiyay ku sheegay in isaga iyo Abdullah ay xiriir la sameeyeen madaxda Taliban ee ku sugan caasimadda dalka Qadar ee Dooxa, qorshuhuna uu ahaa in Taliban ay Kabul kusoo galaan heshiis ay la galeen dowladda xilka heysay.

“Aniga iyo Abdullah waxaan qorsheyneynay inaan booqasho ku tagno Dooxa 15-kii bishii August si aan heshiiska siyaasadeed ee kama dambeysta ah ula soo galno Tlaiban,” ayuu yiri.

Sida uu sheegay Karzai, xilligaas waxay ahayd maalintii ay socotay hadal-heynta ku saabsan in madaxweyne Ghani uu ka baxay waddanka.

Markii uu la hadlay Wasiirka Arrimaha Gudaha, waxaa la ogaaday in saraakiisha dowladda, oo uu ku jiray taliyihii booliska Kabul, ay ka baxeen magaalada, qof xukunka u harayna uusan jirin.

Hamid Karzai ayaa ku dooday in haddii madaxweyne Ghani uu joogi lahaa waddanka ay suurtagal ahaayn lahayd in heshiis lala galo Taliban, dinaad la isku waafaqsan yahayna la sameeyo.

Dastuurka iyo Baarlamaanka

“Afghanistan maamulkeeda waxaa gacanta ku haya Taliban. Beesha caalamku waa inay wadaxaajood la gasho Taliban si looga hortago inay sii xumaato xaaladda bani’aadannimo,” ayuu yiri Karzai.

“Mararka qaar, xubnaha kooxda khalad ayaa laga fahmaa. Tusaale ahaan, inaysan sax ahayn in haweenka Afghanistan ay ka baxaan guryahooda.”

Karzai ayaa sheegay in Taliban ay qorshe u hayaan suduu wax looga qaban lahaa xaaladda taagan. Qorshahaas waxaa ka mid ah in dib loo soo nooleeyo dastuurka madaxweynihii hore Mohammad Zahir Shah iyo in la sameeyo gole baarlamaan oo mas’uul ka noqda go’aan gaarista dowladda.

Golahaas ayaa go’aanno ka gaari kara sidii loo dhisi lahaa dowlad cusub, dastuur iyo calanka uu yeelanayo qaranka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post