654 Views

Ola Qaradawi oo xabsiga Dalka Masar laga sii daayey

Ola Qaradawi oo xabsiga Dalka Masar laga sii daayey
____________________________________________________________________________


Axad: January 2, 2022

 Sida ay baahisay Wakaaladda wararka ee Masar ee MENA oo soo xiganaysa ilo rasmi ah oo aan la magacaabin ayaa sheegtay in dacwad oogaha dalka Masar go’aamiyay in la sii daayo gabadha uu dhalay caalimka caanka ah ee Yuusuf Al-Qaradaawi oo afar sano oo xabsi ah ku jirtay.

Kiiskan oo xafiiska xeer ilaalinta ee dalku ku soo oogay Ola Qaradawi “ku biirista kooxaha argagixisada iyo maalgelinta argagixisada” waa kiiskii labaad ee lagu soo oogo tan iyo markii la xidhay

Ola ayaa la xiray iyada iyo ninkeeda 30kii Juun 2017 waxaana lagu hayey xabsiga ka hor dacwado isdaba joog ah kuwaas oo sababayey in markasta xabsiga loo cusbooneysiiyo.

Waxa ay carabka ku adkeysay in aysan sameynin wax sharciga ka hor imaanaya iyadoo xustay in sababta  xabsiga loogu hayey mudadaas oo dhan ay tahay in ay tahay gabar uu dhalay Al-Qaradawi.

Aabaheed Yuusuf ayaa loo raadinayaa sabab la xiriirta xiriirka uu la leeyahay dhaqdhaqaaqa Ikhwaanul Muslimiinka ee Masar ka jira.

kooxaha difaacayey Ola oo soo xigtay hadalkeeda intii lagu jiray fadhiyada baadhista  ah ayaa ku dooday in aanay haba yaraatee samayn wax fal ah oo sharciga ka hor imanaya.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post