636 Views

Muuse Biixi” Doorashooyinka Soomaaliland Caalamka ayaa isha ku haya”

Muuse Biixi” Doorashooyinka Soomaaliland Caalamka ayaa isha ku haya”
____________________________________________________________________________

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in guud ahaan degaannada Soomaaliland ay ka bilaawdeen doorashooyinka isku sidkan ee Golaha Wakiilada & degaanka ee Soomaliland, kaas oo uu sheegay in isha lagu wada haayo.

Muuse Biixi oo kamid ahaa dadkii Maanta codkooda ka dhiibtay Goobta Codbixinta Ee Hay’adda Shaqalaha ayaa sheegay in doorashadaan Maanta ay isha ku wada hayaan Caalamka, isla markaana Warbaahinta Caalamiga ah ay sitoos ah u tabineyso.

Sidoo kale Madaxweynaha Soomaliland ayaa dhammaan shacabka kula dardaarmay inay nabad ku codooyeen, isla markaana ay isugu naxariistaan sida dadku u kala jilicsan yihiin, wuxuuna faray inay sidii quruxda badnayd ee ay u ololeeyeen inay codkana u dhiibtaan.

Guud ahaan degaannada Somalialnd ayaa waxaa maanta ka bilaawday doorashooyinka isku sidkan ee Golaha Wakiilada & degaanka ee Soomaliland, iyada oo Maanta siwyen looga dareemayo doorashooyinka degaannada Soomaaliland.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post