759 Views

Haweeneydii ugu horreysay ee Soomaali ah ee duq magaalo ka noqota UK oo iscasishay

Haweeneydii ugu horreysay ee Soomaali ah ee duq magaalo ka noqota UK oo iscasishay
____________________________________________________________________________


Mogadisho | QOL |  September 26 2020
—Haweeneydii ugu horreysay UK ee dhalasho ahaan ka soo jeeda Soomaaliya ee noqota duqa magaalada ayaa ka baxday xisbiga shaqaalaha iyadoo ku andacooneysa “dulmi” iyo  takoor”.

Xildhibaan Rakhia Ismaaciil ayaa shalay ku dhawaaqday inay “iska casishay xisbiga shaqaalaha” kadib markii ay khudbad qiiro leh ka jeedisay shirkii golaha.

“Lixdii sano ee la soo dhaafay, inta lagu guda jiray waqtigeyga, waxaan dareemayay in qiimaheyga aan la ixtiraamin hoggaanka iyo xubnaha waan ka xumahay inay dhacdo tan.”ayay tiri Ruqiyo.

Waxay noqotay duqii magaalo ee ugu horreeyay ee Xijaaban gudaha dalka Ingariiska.

Xildhibaan Rakhia Mohammed Ismail ayaa loo doortay Duqa magaalada Islington sanadka 2019 kulankii magaalada Islington ee sanadlaha ah 16 May Golaha Deegaanka Holloway Ward.

Waa haweeneydii ugu horeysay ee soomaali ah ee qabata jagada Duq magaalo ee UK.

Rakhia waxay ku dhalatay Soomaaliya waxayna qaxooti ku tagtay Boqortooyada Ingiriiska 1980-yadii. Waxay ku nooleyd degmada tan iyo 1993 waxaana markii ugu horeysay loo doortay Golaha Islington sanadkii 2012, iyadoo kuxigeen u noqotay Duqa Magaalada kal hore.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post