1095 Views

Ku dhawad Toban qof oo rayid ah oo ku dhintey Kyiv iyo Luhansk

Ku dhawad Toban qof oo rayid ah oo ku dhintey Kyiv iyo Luhansk
____________________________________________________________________________


Axad: March 20, 2022

Toban qof oo rayid ah, oo ay ku jiraan laba carruur ah, ayaa ku dhintey duqeymo ka dhacey gobolada Kyiv iyo Luhansk ee dalka Ukraine, labadii maalmood ee lasoo dhaafay, sida ay saraakiishu sheegeen.

Toddobo qof oo rayid ah, ayaa ku dhintey shan kalana waa ay ku dhaawacmeen, kadib markii madaafiic lagu garaacey magaalada Makariv ee gobolka Kyiv 18-kii bishan Maarso.

Ciidamada booliiska ee Kyiv, ayaa kusoo gudbiyey warbixintan Facebook-ga, iyadoo markaa kadib lasoo xigtay.

Haweeney iyo laba carruur ah, ayaa meydkooda laga helay burburka guri kusoo dumay, kadib duqeymo ka dhacey magaalada Rubizhne ee gobolka Luhansk 19-kii bishan Maarso, sida ay kusoo gudbisay adeegga gurmadka degdega ah ee gobolka aaladda Telegram-ka..

Ilmo saddexaad ayaa sidoo kale laga soo saarey burburka, iyadoo xaaladdiisa aaney halis aheyn.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post