768 Views

20 ka mid ah maleeshiyaadka Xuutiyiinta oo lagu dilay koonfurta Ma’rib

20 ka mid ah maleeshiyaadka Xuutiyiinta oo lagu dilay  koonfurta Ma’rib
____________________________________________________________________________

Sabti: November 13, 2021

Dagaallo maanta ka dhacay jiidda koonfureed ee gobolka Ma’rib oo u dhexeeyay Ciidamada Yeman iyo maleeshiyaadka Xuutiyiinta, ayaa lagu warramayaa in halkaas lagu laayay tiro kamid ah Xuutiyiinta ka dagaalanta dalkaasi Yeman.

Ciidamada dowladda ee ku sugan koonfurta Ma’riib ayaa ka hortagay weerar ay maleeshiyadu ku soo qaadeen, iyagoo isku dayay in ay dib u soo ceshadaan fariisimo lagala wareegay saddexdii maalmood ee la soo dhaafay.

ilo -wareedyo deegaan ah ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada dowladda ay khasaare gaarsiiyeen maleeshiyaadkii soo duulay,  ayna halkaas kaga carareen meydadka labaatan kamid ah  Xuutiyiinta.

Madaxa  hawlgalladda Milliteriga Yeman Sarreeye Gaas Naasir Al-Thibaani, ayaa sheegay in Ciiddanka Qalabka Sida, ay ku guuleysteen Hawlgalkii ay Xuutiyiinta kaga sifeynayeen gobalka Ma’rib , taasoo maleeshiyada khasaare loogu geystay.

Tan iyo bishii Febraayo ee la soo dhaafay, maleeshiyaadka Xuutiyiinta ayaa xoojiyay weeraro ay ka wadeen gobolka Ma’rib ee qaniga ku ah saliidda, inkastoo maalmahii danbe ciidamada Dowlada ay kala wareegeen Xuutiyiinta goobahii ay horay u qabsadeen, iyagoo taageero ka helaya diyaaradaha isbaheysiga.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post