1320 Views

Jeneraal Xijaar oo garoonka Aadan Cadde ku sagootiyay guddoomiyihii hore ee Gobolka Gedo Mucalimu

Jeneraal Xijaar  oo  garoonka Aadan Cadde ku sagootiyay guddoomiyihii hore ee Gobolka Gedo  Mucalimu
____________________________________________________________________________

\Axad: july 25 2021

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo uu wehliyo taliyaha saldhigga garoonka Aadan Cadde ayaa sagootiyay Cismaan Nuur Xaaji Mucalimu, oo ahaa guddoomiyihii hore ee Gobolka Gedo oo maanta gelinkii dambe ka dhoofay garoonka Aadan Cadde.

Cismaan Nuur Xaaji Mucalimuu oo warbaahinta Qaranka garoonka kula hadlay ayaa ammaan iyo mahadnaq u jeediyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo uu ku ammaanay tallaabooyinka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay qaaday iyo sida hidadiilada leh ee ku hogaaminayo dalka, gaar ahaan ka miro dhalinta hirgelinta doorashooyinka Soomaaliya.

Cismaan Nuur Mucalimuu guddoomiyihii hore ee Gobolka Gedo ayaa dhowaan laga celiyay inuu ka dhoofo garoonka taasi oo keentay in Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu xilalkii ka qaado taliyaha nabad sugidda garoonka iyo agaasimaha shaqaalaha hay’adda nabadsugidda Qaranka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post