1323 Views

Kim Jong-un oo u digay Mareykanka

Kim Jong-un oo u digay Mareykanka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  January 1, 2019 Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un wuxuu sheegay inay ka go’antahay burburinta hubka Nukliyerka isla markaasna ka digay inuu dhabaha macquulka ah ka weecan doono waa haddii Mareykanka uu sii wado cunaqabataynada.

Kim Jong-un oo hadal ka jeedinayay munaasabadda sannadka cusub ayaa sheegay in xilli kasta uu diyaar u yahay in uu la kulmo madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Haddii Mareykanku uusan ka bixin ballamihii uu nala galay, kuna adkeysto cunaqabataynta, cadaadiisna uu saaro Jamhuuriyaddeen,waxaa naga go’an in aan eego waddooyin aan ku difaaceyno awooddeena iyo danahayaga” ayuu yiri hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi.

Madaxweynaha Mareykanka iyo hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ayaa bishii June ee sannadkii 2018-kii wadahadallo ku aadan barnaamijka Nukliyerka yeeshay inkasta oo natiijada kulan kaddib ay aheyd mid aan sidaas u weyneyn.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment