831 Views

Guddoomiyaha xisbiga Ucid, Faysal Cali Waraabe oo weerar afka ah ku qaaday madaxweyne Muuse Biixi

Guddoomiyaha xisbiga Ucid, Faysal Cali Waraabe oo  weerar afka ah ku qaaday madaxweyne  Muuse Biixi
____________________________________________________________________________

8-da Marso 2021

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid, Faysal Cali Waraabe ayaa weerar afka ah ku qaaday madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo sheegay inuu qorshe la’aan siyaasadeed ku hagayo xukuumaddiisa.


Faysal Cali ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay hogaaminta Biixi oo uu sheegay inay mareyso meeshii u liidatay, islamarkaana dib u dhigtay Somaliland oo horumar wanaagsan u bidhaamayey.


Faysal Cali Waraabe waxa uu sheegay in Somaliland ay ka jirto qorshe la’aan siyaasadeed oo dhinac xukuumadda ah, wuxuuna aaminsan yahay iney taasi dib u dhac ku keentay hormar ay xukuumadda sameyn laheyd.


“Lixdankii waxa ina kharibay waxa ay ahayd Hoggaan xumo, Maantana waxa halkaa inna dhigay waa Hoggaan Xumo, Dadka waxa is dhaafayaa waa Hoggaanka, Ilaahay waxaan ka baryayaa inuu hoggaan wanaagsan ina siiyo,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu dusha u saaray Muuse Biixi dhaqaalo xumada ka taagan Somaliland iyo sicir bararka aan xal laga gaarin sanadihii u dambeeyay, ayada oo ku eedeyay inuu waqtiga xukunkiisa ku lumiyay shaqsi xumeyn iyo xifaaltan siyaasadeed oo aan loo baahneyn, sida uu hadalka u dhigay.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post