786 Views

Mareykanka oo ku baaqday in madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday in uu ka laabto muddo kordhinta.

Mareykanka oo ku baaqday in  madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday in uu ka laabto  muddo kordhinta.
____________________________________________________________________________

April 29-2021

War qoraal ah oo ka soo baxay wasaarada arrimaha dibada ee Mareykanka ayaa waxaa looga baaqay madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Golaha Shacabka in ay ka laabtaan muddo kordhintii labada sanno ahayd ee loo sameeyay madaxweyne Farmaajo.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ayaa sidoo kale lagu bogaadiyey tallaabadii ay maamulada Galmudug, Hirshabelle iyo R/ Wasaaraha soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ay ugu horyimaadeen muddo kordhinta.

Sidoo kale wasaarada arrimaha dibada Mareykanka ayaa Madaxda Soomaalida ka dalbatay in si deg deg ah dib loogu laabto wada-hadallada iyo hirgelintii heshiiskii 17 September.ay madaxda DFS iyo kuwa dowlad goboleedyada ay ku yeesheen magaalada Muqdisho.

Maamul goboleedyada HirShabeelle iyo Galmudug ayaa sheegay inay kasoo horjeedaan wax muddo kordhin ah oo loo sameeyo hay’adaha dowladda federaalka., iyadoona go”aankaasi uu taageeray R/wasaare Rooble

Qoraal ay si wadajir ah usoo saareen labada maamul ayey ku yiraahdeen “Waxaan isla qaadanay In ay dalka si deg deg ah uga dhacdo doorasho meeshana laga saaro nuuckasta oo ah muddo kordhin.



In muddo ahba waxa uu khilaaf xooggan ka taagnaa qabsoomidda doorashada Soomaaliya oo ka dib dhacday waqtigii loogu talo galay, muranka oo in badan jiitamayayna wuxuu horseeday qalalaase ay dad badan ku barakaceen.

Doorashooyinka Soomaaliya ayaa u dhaca qaab dadban oo beelaha ay marka hore soo xushaan xubnaha baarlamaanka, kuwaasoo kaddibna doorta madaxweynaha.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post