2082 Views

Ciidanka dowladda oo sheegay in ay ku wajahan yihiin Ceelbuur

Ciidanka dowladda oo sheegay in ay ku wajahan yihiin Ceelbuur
____________________________________________________________________________


Muqdisho, 18da Maarso, 2021
Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed qeybtooda degaanada maamulka Galmudug ayaa ku dhawaaqay in ay qaadi doonaan howlgal ballaaran oo marka ugu horreysa lagu xoreyn doono degmada Ceelbuur oo Shabaab ay gacanta ku hayaan.

Taliyaha Qaybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga ayaa Xerada tababarka Har-qaboobe ku booqdey Ciidamo tababar dhameystay oo dhawaan la qalabeyn doono kuwaasoo qeyb ka noqon doona howlgalka.

Taliyaha waxaa uu sheegay in ay diyaariyeen ciidankii xoreyn lahaa degaanada ay jooggaan A-Shabaab dadka shacab ah loogu baahan yahay diyaar garow.

Waxaa uu sidoo kale tilmaamay in xuquuqdooda loo dhameystiri doona ciidanka cusub ee dhawaan kusoo biiray ciidanka lana tababaray si loo xoojiyo howlgallada Shabaab.

Hadalka taliyaha ayaa yimid xilli Wasiirka Amniga Galmudug uu  shalay ku dhawaaqay howlgal weyn oo Shabaab looga saarayo degaanada Galmudug.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post