927 Views

SAWIRO:-Axmed Madoobe & Deni oo Ciidamadii ugu badnaa la tagaya Dhuusamareeb

SAWIRO:-Axmed Madoobe & Deni oo Ciidamadii ugu badnaa la tagaya Dhuusamareeb
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  July 09  2020–Madaxweyanayaasha Dowlad Goboleedyada Puntland & Jubbaland ayaa waxaa ay Ciidamadii ugu badnaa oo kamid ah ilaaladooda waxaa ay geeyeen Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug, halkaas oo ay shir gaar ah ku yeelanayaan Maamul Goboleedyada.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay geeyay Magalada Dhuusamareeb in ka badan 100 askari oo kamid ah ilaaladiisa si ay amnigiisa u sugaan,waxaana haatan uu ku sugan yahay Magaalada Gaalkacyo, iyada oo la fiayo in uu Maanta tago Magaalada Dhuusamareeb.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo ku sugan Magaalada Kismaayo ayaa dhankiisa waxaa uu Magaalada Dhuusamareeb geeyay In ka badan 30 askari oo ka tirsan ilaaladiisa gaarka ah si ay uga qeyb qaataan sugida amnigiisa.

Si lamid ah Madaxweynayaasha Hir-Shabeelle iyo Koonfur Galbeed ayaa iyana waxaa ay Dhuusamareeb geeyeen ilaaladooda, in kastoo ay iyaga ka duwan yihiin Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland uu khilaaf xoogan kala dhaxeeyo dowladda federaalka Soomaaliya.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ku sugan Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa dowladda Soomalaiya gaar ahaan kuwa, Millateriga ee qeybta 21aad, Nabadsugida Soomaaliya iyo Boolis,kuwaas oo ka qeyb qaadanaya sugida Amniga Magaalada Dhuusamareeb.

Shirka Madaxda Dowlad Goboleedyada ayaa lagu wadaa in uu furmo gelinka dambe ee Maanta,waxaana Gudaha Magaalada laga dareemayaa qaban qaabadii ugu dambeeysay ee shirka,iyada oo Amniga Magaalada siweyn loo adkeeyay.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post