1086 Views

Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle oo Jowhar gaaray

Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle oo Jowhar gaaray
____________________________________________________________________________

Muqdisho | September 4, 2021:-Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabelle Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Jowhar, halkaas oo si weyn loogu soo dhoweeyay.

Mr. Dabageed ayaa Jowhar u tegay dardar gelinta doorashada golaha Aqalka sare oo dhowaan lagu wado in ay ka qabsoonto caasimadda Dowlad goboleedka Hirshabeelle ee Jowhar.

Mas’uuliyiinta madaxweyne ku-xigeenka socdaalkiisa ku wehlineysay waxaa ka mid ah madaxweynihii hore ee Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble iyo xubno kale.

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post