1338 Views

-Maxaa Ka Jira In Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Uu Is Casilay?

-Maxaa Ka Jira In Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Uu Is Casilay?
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL | December 16, 2018 –Saacadihii la soo dhaafay ayaa waxaa Baraha Bulshada lagu faafinayay warar sheegaya in uu is casilay wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Xasan Cali Maxamed(Amar dambe),hayeeshee uu beeniyay.

Wasiirka ayaa goordhow been abuur ku tilmaamay wararka lagu faafiyay Baraha Bulshada ah ee in uu iska casilay xilka Wasiirka Gaashaandhigga.

Waxa uu sheegay in uusan is casili doonin,waxaana dadka Soomaaliyeed uu ugu baaqay inaysan qaadan wararka kahor imaanaya horumarka dalka ee Baraha Bulshada lagu faafinayo.

Maanta ayaa waxaa Baraha Bulshada lagu faafinayay inay si casili doonaan Wasiirada Howlaha Guud iyo Gaashaandhigga,balse uu is casilay wasiirka Howlaha Guud halka wasiirka Gaashaandhigga uu beeniyay in uu is casilay.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment