1461 Views

SAWIRO:-Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha oo Muqdisho kulan kula yeelatay Safiirka Qatar

SAWIRO:-Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha oo Muqdisho kulan kula yeelatay Safiirka Qatar
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL April 10  2019–Magalada Muqdisho waxaa Maanta kulan ku yeeshay Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye iyo Safiirka Qatar u fadhiya Soomaaliya Danjire Xamsa Xasan Asad.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay arrimo ay ka mid ahaayeen sidii loo hormarin lahaa Cayaaraha Soomaaliya iyo Dhalinta iyo sidii dowladda Qatar kaalin weyn uga qaadan laheyd sida ay sheegtay  Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

“Waxaan saakay la kulmay danjiraha dowlada qadar u jooga soomaaliya amb.xamze waxaana ka wada hadalnay sidii loo horumarin lahaa sports-ga soomaaliya iyo dhalinta wuxuuna ahaa kulan lagu lafa-guray qaabka ugu haboon ee loo horumarin karo inshaa allaahu.

Dowladda Qatar ayaa waxaa ay saaxiib dhow la tahay Madaxda sare ee dalka ,waxaana dowladda Soomaaliya ay ka taageertaa arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin Amniga iyo Ciidamada , iyada oo dhowr jeer Gaadiid ay ku jiraan kuwa dagaalka ugu deeqday.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment