900 Views

Sarkaal sare oo Golaha Amaanka uga digay in macluul baahdsani ka jirto gobolka Tigray

Sarkaal sare oo  Golaha Amaanka  uga digay in macluul baahdsani ka jirto  gobolka Tigray
____________________________________________________________________________

May 26 2021

Sarkaal sare oo ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa Talaadadi Golaha Amaanka ee Qarmada Midoobay uga digay in haddii aan tallaabo deg deg ah la qaadin ay macluul baahdsani ka dhici doonto gobolka Tigray ee dalka Itoobiya.

Wakaaladda wararka ee AFP ayaa aragtay nuqul ka mid ah warbixin uu Mark Lowcock oo ah Wakiilka Arrimaha Bani’aaddannimada ee Xoghayaha Guud ee QM uu ka diyaariyay gobolka Tigray, taas oo uu u gudbiyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Lowcock ayaa sheegay, in haddii labada bilood ee soo socota aan si deg deg ah loo xoojin gargaar bani’aadannimo ay dadka ku nool gobolkaas ay colaaduhu ka jiraan ee Tigray ay khatar u gali doonaan macluul.

Muddo ka badan lix bilood oo ay colaado ka jiraan gobolka waqooyi ee Tigray ee Itoobiya ayaa hey’adaha gargaarka ee caalamiga ah iyo Qaramada Midoobay soo sheegayeen in halkaasi ay ka dhaceen gaboodfallo ka dhan ah aadanaha.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post