351 Views

Somaliland oo Puntland ugu digtay in ay joojiso dhaqdhaqaaqa ay ka wado Buuhoodle

Somaliland oo Puntland ugu digtay in ay joojiso dhaqdhaqaaqa ay ka wado Buuhoodle
____________________________________________________________________________

Talaado: May 31, 202

Xukuumadda Somaliland ayaa ku hanjabtay inay tallaabo ka qaadi doonto dhigeedi Puntland, xili ay dhaq dhaqaaq ciidan ay ka wado Magaalada Buuhoodle ee Gobolka Togdheer.

Saraakiisha ciidamada Militariga ee degmada Buuhoodle oo warbaahinta la hadlay ayaa waxay digniin adag u direen Ciidamada Puntland ee ku sugan agagaarka degmadaas.

Sidoo kale, saraakiisha waxaa ay sheegeen in Ciidamo ka tirsan Puntland ay degmada Buuhoodle ka hurinayaan colood dagaal, iyagoo baaq ujeediyay wax-garadka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ee ku sugan degmada Buuhoodle ee Gobolka Togdheer.

Waxaa jirta cabsi ay qabaan dadka deehaanka taas oo la xiriirta inuu halkaas ka qarxo dagaal culus oo dhexmara labada dhinac, maadama Somaliland ay shalay degmada Buuhoodle ay geysay ciidamo fara badan oo wata gaadiidka dagaalka sidoo kalena aad u hubeysan.

Dhankooda kuwa Puntland waxaa ay degmada ka wadaan dhaq dhaqaaqyo militari, iyagoo gaaf wareegaya degmada xaafadaha ku teedsan, waxaase xusid mudan in Puntland ay wali ka hadlin xiisadaan dagaal.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post