369 Views

Yurub oo mamnuucday iibsiga naaftada Ruushka iyo badeecado kale

Yurub oo mamnuucday iibsiga naaftada Ruushka iyo badeecado kale
____________________________________________________________________________


Isniin : February 6 2023
Yurub ayaa Axaddii mamnuucday naaftada laga keeno Ruushka iyo weliba badeecadaha kale ee la xidhiidha shidaalka la sifeeyo. Midawga Yurub ayaa hoos u dhigaya ku tiirsanaanta tamarta ka timaadda Ruushka, taas bedelkeedana ay qorshaynayaan inay curyaamiyaan dakhliga uu Ruushku ka helo shidaalka, si loogu ciqaabo duullaanka uu ku qaaday dalka Ukraine.
Mamnuuciddan ayaa la socota heshiis qiimo dhimis ah oo ay isla gaadheen, Isbahaysiga toddobada dal ee dimoqraadiga ah. Ujeedada guud ayaa ah, in weli loo sii ogolaado in naaftada Ruushku inay ku sii qulqusho suuqyada dalalka ay ka midka yihiin Shiinaha iyo India, iyo in laga hortago in sare u kac degdeg ahi uu ku yimaaddo qiimaha naaftada, taas oo dhaawac weyn u geysan karta macaamiisha dunida oo dhan, halka taas bedelkeeda tallaabo laga qaadayo macaashka uu Ruushku ka helo naaftadan ee uu ku maalgeliyo miisaaniyaddiisa iyo dagaalka uu ka wado Ukraine.
Naaftada ayaa fure u ah dhaqaalaha, sababtoo ah, waxaa loo isticmaalaa gaadiidka kala duwan, sida gawaadhida xamuulka ah ee alaabooyinka daabula, qalabka beeraha iyo mishiinada waaweyn ee wershedaha waxsoosaarka. Qiimaha naaftada ayaa sare u kacay, tan iyo wixii ka dambeeyey markii laga baxay, xilligii faafista ee xanuunka COVID19, kaasoo yareeyey awoodda sifaynta ee shidaalka, waxaana tallaabadani ay dunida geyaysiisay sicir-barar ku yimaadda alaabooyinka.
Cunaqabataynta cusub ayaa abuuraysa hubanti la’aan ku saabsan qiimaha naaftada ee Yurub, xilli uu Midawga Yurub, uu helay suuqyo cusub oo uu ka helo sahayda naaftada sida, Maraykanka, dalal ku yaalla bariga dhexe iyo weliba Hindiya, si naaftada ka timaadda dalalkaasi ay u noqoto mid u daboosha booskii ay ku jirtay naaftada uu Midawaga Yurub ka helo Ruushka.
Sahayda naaftada ee ay ka helayaan dalalkan ayaa ah, mid soo maraysa jidad aad u dhaadheer, halka sahayda naaftada ee Ruushku ay tahay mid aad uga dhow.
Maadaama uu dalka Shiinuhu dib u furay suuqyadiisa dhaqaalaha, isla markaana uu qaaday xannibaadihii dhinaca COVID19, waxaa laga cabsi qabaa in dalabaadka Shiinuhu inay sare u qaadaan qiimaha shidaalka.
Ruushka ayaa bishii December oo keliya ka macaashay illaa $2 Billion, naaftada uu ka iibiyey dalalka Midawga Yurub.
Midawga Yurub ayaa hore u mamnuucay dhuxusha ka timaadda Ruushka, iyo qaybo badan oo ka mida saliida caydhiin, halka Ruushkuna uu joojiyey qaybo badan oo ka mida gaasta uu u soo iibgayn jiray suuqyada Yurub.
AP
Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post