969 Views

Magaalada New Orleans ee dalka Mareykanka oo ka tagtay korontada kaddib markii duufaanta Ida ay ku dhufutay

Magaalada New Orleans ee dalka Mareykanka oo  ka tagtay korontada kaddib markii duufaanta Ida ay ku dhufutay
____________________________________________________________________________

Isniin: August 30, 2021

Magaalada New Orleans ee dalka Mareykanka ayaa waxa ka tagtay korontada kaddib markii duufaanta Ida ay ku dhufutay gobalka Louisiana ee dalka Maraykanka.

Duufaanta Ida ayaa waxa ka dhashay dabaylo xooggan oo xawaare dheeraya ku socda.

Duufaanta waxay keentay dabeylo 150mph (240km/h) markii ay dhulka ku soo dhacday waxaana dadka gobolkaas lagula taliyay inay raadsadaan meelo ay kaga gabbadaan duufaanka dabaylaha xoogan wadata.

Hal qof ayaa ku dhintay daybalaha kaddib markii uu geed ku soo dhacay gurigooda oo ku yaala kaniisadda Ascension, ee aagga Baton Rouge.

Madaxweyne Joe Biden ayaa sheegay in duufaanta Ida ay noqon doonto “mid halis gelisa dadka deegaanka”, iyada oo laga yaabo in burbur aad u weyn ay horseedo

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post