735 Views

Dagaal culus oo dhexmaraya xoogagga Taalibaan iyo maleeshiyaadka iska caabinta

Dagaal culus oo    dhexmaraya xoogagga Taalibaan iyo maleeshiyaadka iska caabinta
____________________________________________________________________________

Jimco: September 3, 2021

Dagaal culus ayaa la sheegay inuu dhexmaraya xoogagga Taalibaan iyo maleeshiyaadka iska caabinta dooxada Panshir ee dalka Afqaanistaan.

Taalibaanku waxay sheegeen inay la wareegeen deegaanno khasaaro culusna gaarsiiyeen kooxda iskaaabinta ee NRF

Balse kooxda NRF ayaa sheegtay inay gacanta ku hayaan marinada laga gala dooxada, Taalibaanna ay ka dileen boqolaal dagaalamayaal ah.

Panshir waa gobolka kaliga a ee aan wali gacanta u gelin Taalibaan, waxaana larumeysan yahay in boqolaal dagaalamayaal ah ay halkaasi ku sugan yihiin.

Kooxaha iskacaabinta waxaa ku jira madaxweyne ku xigeenkii hore ee Afqaanistaan Amrullah Saalax, ciidammo horay uga tirsanaa milatariga Afqaanistaan iyo mleleeshiyaad maxalii ah oo u hoggaaminaya hogaamiya qabali ah Axmed Mascuud.

Taalibaan ayaa horay u sheegtay inay wadahdal kula wareegi doonto dooxdani, balse waxay sidoo kale sheegtay inaysan meesha ka saari doonin suuragalnimada inay sidoo kale xoog kula wareeegaan.

Afhayeen u hadlay Taalibaan ayaa sheegay in ciidammadooda ay halkaa galeen kadib markii ay wadahadallada socon waayeen.

Afhayeenka kooxdani ayaa u sheegay wakaaladda wararka Faransiiska ee AFP, in wiilka Axmed Shaah Mascuud uu ku uruuriyay 9,000 oo dagaal yahan dooxada Panjshir, oo ku taalla waqooyi bari ee caasimadda Kabul.

Axmed Mascuud, oo ah wiil uu dhalay hoggaamiyihii geeriyooday ee Isbahaysigii Waqooyiga dalka Afgaanistaan Axmed Shah Mascuud, ayaa u sheegay wargeyska pan-Arab inuu diyaar u yahay in uu wadahadal la yeesho Daalibaan si loo baajiyo dagaal ka dhaca dalka, balse wuxuu ku adkaystay in kooxdu meesha ka saarto xagjirnimada .

Mr Mascuud ayaa sheegay in ay muhiim tahay isla markaana ay donayaan in dadka , reer Afgaanistaan ay soo afjaraan dagaalkan socday mudada 40-ka sano ah .Wuxuu sheegay sidoo kale in loo baahanyahay in dadka reer Afghaanistaan ay haystaan waxyaabo asaasi ah oo ay ka mid yihiin baahinta xukunka

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post