2409 Views

Wasiirkii kawada caqli badiyey dowlada Federaalka, Tolkii & Karzai-ga Kenya (A.Madoobe)!

Wasiirkii kawada caqli badiyey dowlada Federaalka, Tolkii & Karzai-ga Kenya (A.Madoobe)!
____________________________________________________________________________

Hordhac/Gogol-Dhig

Allaah ayey mahad oo idili u sugnaatay, nabadgalyo iyo naxariisina Nabigeena Muxammad ah korkiisa Allaha yeelo.

Intaa kabacdi; Aqristoow wasiirka amniga ee Jubbaland: Cabdirishiid Xasan Cabdinuur (Janan) wuxuu Karzai-ga Kenya (A.Madoobe) ku qanciyey, inuu xil wasaaradeedoo Jubbaland ah u magacaabo, danihiisa xil-doon ee shaqsi ahaaneed darteed, iyo si tolkii isaga dhex arkaan maamulka. Dhanka kalana wuxuu tolkii ku xodxotay, ineey maamulka ku leeyihiin wasiir muhiim ah, waliba wasiirkii dhamaa ee amniga, oo sirdoonku hoos imaanayey.

Maadaama uu yahay wasiirka amniga, sirdoonka Jubbaland-na hoos imaanayo, wuxuu madaxa kawada toogtay cid kastoo Karzai-ga Kenya (A.Madoobe) ka hortimi, iyo cidkastoo ka hor imaan kartayba, gaar ahaan reer tolkii, oo kuwada maqan yihiin nin-doorkii reer Gado iyo Garbahaarreey, iyadoo inta habeenkii guryaha lagala baxo, meydkooda xeebta Kismaayo lasoo dhigayo, kadibna laga dhigayo inuu Shabaab dilay, isagoo arintaa u sameeynaya, si uu u helo aaminaada iyo kalsoonida saaxiibkii Axmed Madoobe,  marka intaa lagu daro, ciidamo beeleedka uu dhistay A. Madoobe, ee u badan wiilashii raamaha lahaa, ee gallinka 5-aad, iyo saraakiishi dhiig-cabayaasha ahaa, ee ka tirsanaa maamulkii Cabdi Ileey, ee kasoo baxsaday maamulka Mustafe Cagjar, ciidankaa oo Kenya iyo Imaaraatkana hore ugu hubeeyeen, dilaayaashana u hogaamiyaan, sida: (1) Wasiirka Wasaaradaha Arrimaha Gudaha Jubbaland: Maxamed Warsame Darwiish, waana ninkii 2006-dii xasuuqa ba’an ka geeystey magaalada Muqdisho, iyo guud ahaan koonfurta Soomaaliya, xilligii Itoobiyaanka caasimada galeen (2) Taliyaha Nabadsugida Jubbaland: Khaalid Sheekh Cabdulaahi. (3) Taliyaha Ciidamada Jubbaland: Aadan Maxamed Ibraahim, iyo rag kaloo farabadan, dambiileyaal dagaalna ah (War criminals).

Dowlada Federaalka ayaa dhiig-cabnimada wasiirka amniga ee Jubbaland: Cabdirishiid Xasan Cabdinuur (Janan), u adkeeysan weeysey, waxaana Xeer-Ilaaliyaha guude qaranka: Axmed Cali Daahir, magaciisa u gudbiyey booliska aduunka (Interpol).

Mr. C/Rashiid Janan markuu ogaaday arintaa ah, in magaciisa Interpol loo gudbiyey, noqonaya qof laga qabanayo meel kastuu tago aduunka, kuna noolaan karin Kismaayo oo kaliya, noloshiisa inta ka dhiman, ayuu saaxiibkii Karzai-ga Kenya (A.Madoobe) shir albaabada u xiran yihiin lagalay, si uu u badbaadsado kursiga wasiirnimee awooda badan, ee uu kufadhiyo, sidoo kalana uga badbaado in xil ka qaadis, iyo mishin khaarijin ahba la isugu daro. Wuxuu u sheegay saaxiibkii, inuu ka war helay in Interpol loo gudbiyey magaciisa, si loola soo noqdana dowlada ku xirtay, shardi ah inuu saaxibkii ka hor yimaado, sidaa daraadeed, wuxuu u sheegey Karzai-ga Kenya (A.Madoobe), inuu rabo inuu dowlada film usoo jiloo, sooqaato “Deal” been ah.

Saaxiibkii A.Madoobe, iyo isaga, qorshe ayey dowlada federaalka uwada dageen, kasoo eey isla wada ogol yihiin.

Kadib Muqdisho ayuu C/Rashiid Janan iskasoo xaadiriyey, isagoo odayaal tolkiis ah adeegsanaya. Wuxuu dowlada federaalka ka ogolaaday inuu “Deal” qaato ah, inuu kasoo horjeesanayo saaxiibkii Karzai-ga Kenya (A.Madoobe), dowladana ku garab-istaagayo, sidii A.Madoobe, meesha looga saari lahaa, intaana ku badalanayo, in warqadaa laga dhigay booliska aduunka (Interpol) lagasoo celiyo.

Nasiibdarro! Warqadii si degdeg ah, oo aan sifiican looga baaraan dagin, ayey dowlada federaalka uga soo celisay booliska aduunka (Interpol), taasoo C/Rasiid Janan u aheyd guul degdeg ah.

Markuu Mr. Janan Kismaayo ku noqday, wuxuu markale ku wargaliyey, warbixin dhameeystiranna siiyey, saaxiibkiis: Karzai-ga Kenya (A.Madoobe), in dowlada federaalka arintaa usoo bandhigtay, waxeey kusoo wada hadleen, waxa qorshaha iyo hadafka dowlada federaalka ahaa, iyo sidii dowlada federaalka qorsheheeda dhabarka looga jabin lahaa, iyadoo dowladana film been ah loo jilayo.

Dhanka kalana tolkiisii uu shalay xasuuqayey, wuxuu kagaday, inuu kasoo horjeestay saaxiibkii Karzai-ga Kenya (A.Madoobe).Wuxuuna bilaabay shirar been ah inuu lagalo tolkii, isagoo waxkastoo qorshaha ah, waxa lagu wada hadlay, waxa ka soobaxay, cida ka hadashay shirka iyo sida eey u hadashay, iyo waliba sida dhamaan lagu wada fashilinkaro, lawadaagaya her iyo habeenba Saxiibkii ahna booskiisa:  Karzai-ga Kenya (A.Madoobe).

Ninkaa soow maaha ninkii dowlada fedraalka, tolkii iyo Karzai-ga Kenya kawada caqli badiyey. iyo waxa afka qalaad lagu dhaho: “Master of manipulation and deception”.

 

.

.

.

 

Wabillaahi Toowfiiq.

Qoraa: C/Qaadir Maxamed Cismaan (Cabdiboqor).

Dhaqaaleyahan, qoraa, iyo falanqeeye siyaasadeed.

abdulkadirphd@hotmail.com. Minnesota-USA.

 

_____________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | North America

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment