1047 Views

Baarlamaanka Jubbaland oo fuliyay dalab uga yimid Axmed Madoobe

Baarlamaanka Jubbaland oo fuliyay dalab uga yimid Axmed Madoobe
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 12 2019 —Magalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada hoose waxaa Kalfadhigii 1-aad Fadhigiisa 7-aad ku yeeshay Xubnaha Golaha Wakiilad Dowlad Goboleedka Jubbaland,kulankaas oo ay Maanta waqti kordhin ugu sameeyeen xilliga uu soo Magacaabayo Golihiisa Wasiirada.

 

Kulanka oo goobjoog ay ka ahaayeen 52 Xildhibaan ayaa waxaa ay si aad ah Xildhibaannada uga doodeen codsi uag yimid Madaxweynaha Jubbaland ee ahaa in waqtiga loo kordhiyo, iyada oo ugu dambeyn loogu daray muddo 90 maalmood ah.

 

Madaxweynaha jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa laga sugayaa in mudadaas uu kusoo Magacaabo Golaha Cusub ee Wasiirada Jubbaland,waxaana xusid mudan in Dowladda Federaalka ay qaadacday gebi ahaan doorashoyinkii ka dhacay Magalada Kismaayo.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment