675 Views

Warar dheerad ah oo ka soo Baxaya qarax xoogan oo jugtiisa laga maqalay inta badan Galkacyo.

Warar dheerad ah oo  ka soo Baxaya qarax xoogan oo jugtiisa laga maqalay inta badan Galkacyo.
____________________________________________________________________________

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya Qarax ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug dhinaca Galmudug.

Qaraxaas oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa waxaa lagu weeraray Xarunta dowladda Hoose ee Gaalkacyo ee Galmudug, xili halkaas ay ku sugnaayeen Mas’uuliyiin kala duwan iyo xubno kale.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxaas ka dhacay Magaalada Gaalkacyo, waxaana inta badan ay waxyeelada soo gaartay Ciidamo ku sugnaa afaafka hore ee Xarunta la weeraray.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in dhaawac fudud uu soo gaaray Guddoomiyaha Gaallkacyo ee Maamulka Galmudug Cabdiraxmaan Sheekh Xasan oo kamid ahaa Mas’uuliyiinta ku jiray  Xarunta, uuna ka badbaaday qaraxaas.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Magaalada ayaa isku gadaamay aaga uu qaraxaas ka dhacay, isla markaana xiray gebi ahaan wadada, waxaana socda gurmad loo sameeynayo dadkii waxyeelada soo gaartay oo qaarkood la geeyay Xarun Caafimaad.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post