537 Views

Wasiirka Deegaanka Oo Ka Qaybgashay Kulan Ku Saabsan Isbadalka Cilimada

Wasiirka Deegaanka Oo Ka Qaybgashay Kulan Ku Saabsan Isbadalka Cilimada
____________________________________________________________________________

Isniin:AUGUST 29, 2022

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Khadiija Al-Makhzuumi ayaa ka qayb gashay kulan lagu anxsixinayey Mashruuca u adkeysgiga iyo la qabsiga Isbeddelka cimilada, kaasi oo lagu qabtay Muqdisho.

Wasiirka oo la shir Guddoomisay Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Mudane Axmed Madoobe Nuunow ayaa hoosta ka xariiqday muhimadda Mashruuca u leeyahay dalka iyo dhisidda u adkeysgiga iyo la qabsiga Isbeddelka cimilada.

Yoolka laga leeyahay Mashruucan ayaa ah kobcinta dhaqaalaha, wax soosaarka beeraha, horumarinta daaqa, u adkeysiga cimilada , iyada oo loo marayo Maaraynta wax ku’oolka ah ee kheyraadka dabiiciga ee heerarka kala duwan leh.

Mashruucaan ayaa waxaa ka wada shaqeyn doona Wasaaradaha Isbeddelka Cimilada iyo Beeraha, iyaga oo kaashanaya Hey’addaha IFAD & GEF.

Wasiir Khadiija ayaa ugu dambeyn hadallkeeda kusoo xirtay in Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ay ka go’antahay horumarinta iyo ilaalinta Deegaanka iyo la tacaalidda Isbadalka Cimilada.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post