84 Views

Wasiirka Difaaca Soomaaliya oo heshiis la saxiixday dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Difaaca Soomaaliya oo heshiis la saxiixday dhiggiisa dalka Turkiga
____________________________________________________________________________

Muqdisho — Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Turkiga ayaa kulan la yeeshay Wasiirka Difaaca ee dalkaas Yaşar Güler.

Kulanka Wasiirka Difaaca Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo dhiggiisa Turkiga Yaşar Güler ayaa diiradda waxaa lagu saaray xoojinta xiriirka labada dal, amniga gobolka iyo dagaalka Khawaarijta oo xilligaan uu ka socda gobollada dalka.

Sidoo kale Wasiir Nuur iyo Wasiir Güler ayaa kala saxiixday heshiis taariikhi ah ee Difaaca iyo Dhaqaalaha oo sii xoojin doono amniga Soomaaliya iyo kan Gobolka, kaas oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga ee Turkiga.

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur oo ka hadlay kulankaan ayaa dowladda Turkiga ugu mahadceliyay kaalmada walaalnimo ee hagar la’aaneed ee mar walba Shacabka iyo Dowlada Soomaaliyeed la garab taaganyihiin.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post