690 Views

Dagaal khasaaro geystay oo ka dhacay Gobolka Mudug

Dagaal khasaaro geystay oo ka dhacay Gobolka Mudug
____________________________________________________________________________

 Talaado: November 2, 2021

  Dagaalka oo u dhaxeeyay laba maleeshiyoBeeleed  ayaa waxaa uu ka dhacay miyiga degaanka Dhagtuur oo 120km 120km dhinaca koonfureed ka xiga magaalada Galkacayo.

Dagaalka ayaa waxaa la sheegay in uu salka ku haayo kufsi loo geystay Gabar yar kadib markii xalay lagala baxay Gurigeeda, sida ay sheegeen dadka degaanka.

Inta la xaqiijiyay dagaalka ayaa waxaa ku dhintay hal Ruux halka laba kale ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo ka kala tirsan dhinacyada dagaalamay.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in xiisadda ka dhalatay Gabadha la kufsaday iyo dagaalka dhacay ay Maanta ka taagan tahay degaanka lagu dagaalamay ee Miyiga degaanka Dhagtuur ee Gobolka Mudug.

Degaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolada Mudug iyo Galgaduud ayaa waxaa kusoo batay sanadihii la soo dhaafay colaad beeleedyada, waxaana Maamulka Galmudug uu ku guuldareystay waxka qabashada dagaal beeleedyadaas.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post