522 Views

Ciidamada Galmudug ee ku sugan jiidaha Hore ee Dagaalka oo la Gaarsiiyay Deeq

Ciidamada Galmudug ee ku sugan jiidaha Hore ee Dagaalka oo la Gaarsiiyay Deeq
____________________________________________________________________________

Sabti:January 29, 2022

Gudoomiyaha magaalada Dhuusamareeb mudane Abdirahman Ali Mohamed “Geedaqorow”oo ay wehliyaan wasiiro,iyo qaybaha bulshada Dhuusamareeb.sida hoggaanka ururada haweenka.

ganacsatada,dhalinyarada iyo culumada ayaa ciidanka qalabka sida ee dowlada Galmudug iyo kuwa xooga ee dagaalka kula jiraa kooxda khawaarijta Alshabaab kuwareejiyay deeq iskugu jirta xoolo iyo raashin kala duwan oo kakooban buskud,timir,biyo,baris iyo sokor.

Gudoomiye Geedaqorow iyo madaxda kale ee lasocotay ayaana deeqdaan kuwareejiyay hoggaanka ciidamada qalabka sida ee xooga iyadoona uu deeqdaa ugudoomay taliyaha ururka 6aad ee Gorgor.

Gudoomiye Abdirahman oo munaasabada wareejinta deeqda ay ugu talo galeen kugarab istaaga ciidanka kahadlay ayaa ugu baaqay bulshada Galmudug iyo mida Dhuusamareeb.

in siwadajira looga hortago kooxda khawaarijta Alshabaab lana garab istaago ciidanka si looga adkaado kooxdan caadaystay daadinta dhiiga dadka muslimiinta ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post