1485 Views

Xiisad ka taagan duleedka degmada Matabaan & dil ka dhacay

Xiisad ka taagan duleedka degmada Matabaan & dil ka dhacay
____________________________________________________________________________

Wararka naga soo gaaraya degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in maleeshiyaad hubeysan ay duleedka degmadaas ku dileen Nin la sheegay in uu xoolo dhaqato ah.

Maleeshiyaadka ayaa Ninka ugu tegay Hooygiisa, waxaana goobjoogayaal sheegay in dadkii ka dambeeyay dilkaas ay goobta ka baxsadeem.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in dilkaas lala xiriirinayo aanooyn qabiil oo sanadihii la soo dhaafay ka taagnaa degaano hoostaga degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan.

Dad ku sugan degaanka uu dilka ka dhacay ayaa waxaa ay sheegeen in degaanka ay ka taagan tahay xiisad ka dhalatay dilkaas, kadib markii Ninkii la dilay maleeshiyaad ku heyb ah ay weerareen maleeshiyaadkii dilka geystay.

Degaanka hoostaga degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa horay uga dhacay dagaalo u dhaxeeyay laba maleeshiyo beeleed, waxaana dhowr jeer beelahaas la kala dhex-dhigay heshiis balse markale dagaalada ay soo laabtaan.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post