783 Views

Midowga Yurub oo sheegay in Shiinaha iyo Ruushka ay ka hortagayaan iskudayada Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay ee dadaalka Maynmar.

Midowga Yurub  oo sheegay in Shiinaha iyo Ruushka ay ka hortagayaan iskudayada Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay ee dadaalka  Maynmar.
____________________________________________________________________________

April 11-4-2021

Madaxa arrimaha dibedda ee Midowga Yurub ayaa sheegay in tartanka siyaasadeed ee danaha gaarka ah laga leeyahay uu carqaladeynayo dadaallada lagu doonayo in lagu joojiyo rabshadaha ka socda Myanmar lana hubiyo inay dib ugu soo laabato dimuqraadiyadda, ka dib afgambigii milatari ee dhiigga badani ku daatay ee ka dhacay dalkaasi.

Josep Borrell ayaa sheegay in Shiinaha iyo Ruushka ay ka hortagayaan iskudayada Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay ee Maynmar loogu soo rogayo cunaqabateynta hubka.

Wuxuu sheegay in taasi aysan layaab aheyn, marka loo eego in Shiinaha uu yahay dalka ugu badan ee hubka u dhoofiya Myanmar, iyadoo Ruushka uu yahay wadanka labaad ee hubka geeya Dalkaasi.

Hogaamiye Borrell wuxuu sheegay in Midowga Yurub ay diyaarinayaan wareeg labaad oo cunaqabateyn ah oo lagu bartilmaameedsanayo shirkadaha ay maamulaan militariga Myanmar.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post