3948 Views

Hoggaanada Booliska iyo Nabadsugida Gobolka Banaadir oo Is bedelo lagu sameeyay

Hoggaanada Booliska iyo Nabadsugida Gobolka Banaadir oo Is bedelo lagu sameeyay
____________________________________________________________________________

Is bedelo ayaa lagu sameeyay Talisyada Booliska iyo Nabadsugida Gobolka Banaadir, iyadoo la baabi’iyay Taliskii Ciidanka Nabadsugida Gobolka Banaadir oo ahaa ciidan muuqdo.

Qaab dhismeedkan cusub ayaa ka duwan habkii hore, iyadoo ciidankii Nabadsugida loo bedelay Boolis, waxaana la sheegay in wixii hada ka dambeeya Nabadsugida Gobolka Banaadir ay u howl galayaan qaab qarsoon, halkii hore ay ka ahaayeen ciidan muuqday.

Saadaq Cumar Xasan (Saadaq John) oo ahaa Taliyihii Nabadsugida Gobolka Banaadir ayaa loo magacaabay Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir.

Wararka ayaa intaa ku daraya in  Jen. Axmed Xasan Maalin oo ahaa Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir ayaa isna loo wareejiyay Taliska qeybta Guud ee Taraafikada Gobolka Banaadir.

Is bedeladan oo ah kuwo horudhac ah ayaa la sheegay inuu sameeyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, waxaana maalmaha soo socda la filayaa inay dhacaan is bedelo dheeraad ah oo ay xilalka ku kala wareegayaan labada Talis ciidan oo mid laga dhigay

Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment