801 Views

Xisbiga Dadka oo jawaab ka bixiyey hadalkii ka soo yeeray Xaliimo Yarey (Akhriso)

____________________________________________________________________________

WAR-SAXAAFADEED

Xisbiga Dadka Soomaaliyeed wuxuu taageerayaashiisa u soo gudbinayaa mowqifka uu xisbigu ka taagan yahay doorashada aan qabsoomeyn wakhtigii loogu talogalay. Sida aad la wada socotaan aragtida xisbigu waa mid dhexdhexaad ka ah herdenka siyaasadeed ee u dhexeeya siyaasiyiinta muxaafadka ah oo ay horkacayaan madaxda dowladda dhexe oo xulafeysaneysa qeybo ka mida madaxda maamul goboleedyada iyo siyaasiyiinta mucaaradka oo ah madaxweyneyaashii hore oo xulafeysanaya qaar ka mida siyaasiyiinta madaxabanaan.

Marwo Xaliimo Ismaciil oo ah Gudoomiyaha Gudiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka (GMDQ) waxey si buuxda u cadeysay ineysan qabsoomi karin doorashadii la saadaalinayey iney qabsoonto wakhtiga uu qeexay dastuurka oo ku beegneyd bisha November 2020. Dhaliisha ay leedahay waxey ahayd iney ku wanaagsaneyd mar hore iney warbixinteeda soo jeediso oo ay soo bandhigto talooyinkan ugu dambeynta dhamaadka sanadkii hore ee 2019ka.

Waxaa Soomaaliya caado ka noqotay geedi guurka hanaan cusub ee doorasho mar kasta oo la gelayo doorashooyinka kuraasta dowladda dhexe. Dib u xasuuso dowladdii uu madaxda ka ahaa Madaxweyne Sheikh Shariif waxey ku qaadatay hal sano oo uu ku darsaday si uu u qabto doorashadii 2012 oo uu xilkiisa ku waayey, sidaas si la mid ah Madaxweyne Hassan Sheikh waxey ku qaadatay 5 bilood oo uu ku darsado si uu u qabto doorashadii 2017 oo uu isna xilkiisa ku waayey. Hadda Madaxweyne Farmaajo waxaa u qorsheysan inuu ku darsado 6 bilood si uu u qabto doorashada 2021, taas oo noqon doonta mid uu isna xilkiisa ku waayo.

Xisbiga Dadka wuxuu soo dhoweynayaa qorshaha ay soo bandhigtay Marwo Xaliimo Ismaciil oo ah gudoomiyaha GMDQ, taas oo doorashada dalka dib ugu soo celineysa iney dhacdo ugu dambeysta bisha September 2021, sida horayba ay ugu dhacday doorashadii 2012ka. Xisbiga Dadka wuxuu fursad u siinayaa gudoomiyaha GMDQ iney ka dhabeyso qorshaheeda oo ay haysato wakhti ku filan oo ay ku fuliso, laguna siiyo garab si ay ugu guuleysato doorashadaas taarikhiga ah oo soo afjareysa geedi guurka wakhtiga doorashooyinka, wixii hadda ka dambeeyana ay soomaaliya yeelan doonto wakhti cayiman oo ay dhacaan doorashooyinka dalka oo si rasmiya loogu xuso dastuurka dalka.

Xisbiga Dadka wuxuu soo jeedinayaa in xooga la saaro helida damaanadqaadka in doorashooyinku ay ku dhacaan sida ku cad qorshooyinka gudoomiyaha GMDQ, taasna la geliyo dadaalka intii wakhti badan lagu dhumin lahaa khilaaf jiitama oo ku soo dhamaada dhiig daata. Qorshahaan waxey dan weyn u tahay in fursad dahabiya oo looga eed la’ yahay lagu siiyo madaxda dowladda dhexe iyo gudiga doorashooyinka madaxabanaan, taas oo tijaabo u ah niyad samida lagu raadinayo qabsoomida doorasho u dhacda si xora, xaqa oo xalaala, iyo in laga miro dhaliyo dadaalkii dheera ee gudiga madaxbanaan ee doorashooyinka ay u soo mareen sidii doorasho qof iyo cod ah ay dalka uga qabsoomi lahayd.

Xisbiga Dadka wuxuu ku talinayaa in xisbiyadda siyaasadeed iyo siyaasiyiinta madaxbanaan ay isugu yimaadaan shir ay ku soo dhisayaan gole dowladeed oo aan rasmi ahayn (shadow Government), taas oo si talowadaaga awooda ula qeybsaneysa dowladda rasmiga ah marka la galo xiliga kala guurka, dhismaha dowladaasna loo baahan yahay in laga talo geliyo dhamaan siyaasiyiinta iyo madaxda maamul goboleedyada saluugsan dowladda hadda jirta. Mucaaradka iyo maamul goboleedyadu waa ineysan wakhti isaga dhumin kulamada la isku mashquulinayo ee ay wada yeelanayaan madaxda dowladda dhexe iyo kuwa maamul goboleedyadu. Go’aan ka gaarida xiliga kala guurka waa iney ku timaadaa tala wadaaga labada dowladooda oo ay kala leeyihiin mucaaradka iyo muxaafadka iyo xulafooyinka kala raacsan.

Madaxda dowladda dhexe marka la soo gaaro wakhtiga uu xilkoodu ka dhamaado waxey ku qasban yihiin iney aqbalaan in talada lala wadaago si taas bedelkeeda ay u helaan 6 bilood oo kala guura oo aysan gaari karin go’aano masiiriya ama aysan adeegsan karin awooda iyo hantida dowladda, haddii aysan rabin sidaas jidka u furan waa iney tanaasulaan oo xilalka ay iska casilaan marka ay dhamaato wakhti xileedkooda. Madaxda dowladda haddii ay is lahaayeen xujeeya siyaasiyiinta madaxabanaan iyagoo ku soo dhuumaaleysanaya kororsiimada sida dadban uga dhex muuqata qorshaha xaliimo Yarey, hadda xujadu iyagey hortaala oo loo baahan yahay iney labo kala daran mid doortaan, taas oo ah ama iney ku ekaadaan wakhtiga xilalkooda ama iney ogolaadaan xiliga kala guurka oo ka baxsan wakhtiga u dhamaaday xilalkoodu iney talowadaag la noqdaan mucaaradka iyo siyaasiyiinta madaxabanaan.

Guddoomiyaha Xisbiga Dadka Soomaaliyeed
Prof. Saciid Ciise Maxamuud

-DHMAMAAD-

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post